- September 29, 2022
- Posted by: Mohamud Adan Mumin
- Categories: Banaadir, Wararka
No Comments
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa uu ehelada, reer Hiiraan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Nabadoon Cilmi Hagar Guure, oo ku shahiiday dagaal ka dhan ah agigixisada Alshabaab.
“Waxaan ehelka, qaraabada, reer Hiiraan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo ahaa mujaahid u shahiiday isaga oo dadkiis, dalkiisa iyo diintiisaba ka difaacaya argigixisada” ayuu intaa raaciyey Wasiir Fiqi.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiiinta mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa uu Eebe uga baryayey nabaddoonka inuu jannadiisa ka waraabiyo isaga oo dhanka kale ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in la dhameystiro halganka uu hormuudka ka ahaa nabaddoon Cilmi Hagar, lana soo afjaro argigixiaada Al-shabaab iyo mashruucooda aan raadraac ku laheyd Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.