- September 30, 2022
- Posted by: Mohamud Adan Mumin
- Categories: Banaadir, Wararka
No Comments
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii booliiska gobolka Banaadir Gen. Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole) oo maanta shahiiday kadib markii ay beegsadeen khawaarijta Al-shabaab.
“Allaha u raxmado taliye Farxaan, wuxuu dhintay asagoo dalkiisa u adeegaya, dadkiisana ka daafacaya khawaarijta, waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu shahaadadiisa u aqbalo” ayuu yiri wasiir Fiqi.