Agaasimaha Guud Oo ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Dano Bulsho

Muqdisho 24 Jan 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane  Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Dano Bulsho oo ah madal isku keenta dhinacyada amniga iyo xasilinta si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda howlaha ka socda deegaannada la xoreeyay iyo kuwa nugul.

Kulanka oo sidoo kale qeyb ka ahaayeen Agaasimaha Guud xafiiska Amniga Qaranka ee mas’uuliyiin hay’adaha amniga, wasaaradaha khuseeya iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa in howlaha amniga ay si dhow ula jaanqaadaan dadaallada xasilinta iyo dib-u-soo kabashada, si loo helo natiijooyin waxtar leh oo ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay xaaladda Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan aagga Sabiid–Awdheegle, halkaas oo ay weli ka jiraan baahiyo degdeg ah. Waxaa la soo bandhigay taageerada la gaarsiiyay bulshada, oo ay ka mid yihiin gargaar degdeg ah, dib-u-dhis guryo burburay, barnaamijyo xoojinaya ka-qaybgalka bulshada iyo taageerada maamullada deegaanka.
Sidoo kale, Wasaaraddu dhanka Shabeellaha hoose waxay fududeysay qiimeyn baahiyo oo lagu ogaanayo mudnaanta taagan taasi oo muujisay baahi degdeg ah oo ku saabsan dib-u-dhiska guryihii ay burburiyeen Al-Shabaab, iyadoo saaxiibbada qaarkood ay durba bilaabeen ka jawaabista arrintaas.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS waxay mar kale xaqiijineysaa doorkeeda hoggaamineed ee isku-duwidda dadaallada xasilinta, iyada oo ka shaqeynaysa hannaan dowladeed oo mideysan, si wax looga qabto baahiyaha bulshada loona xoojiyo nabadda iyo dowlad-dhisidda dalka.