- February 16, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 16 Jan 2026; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS ayaa ku daahfurtay caasimadda Muqdisho Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab.
Kulanka waxaa qeyb ka ah Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo hey’adaha Qaramada Midoobay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka hadlay kulanka daahfurka Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab ayaa sheegay ahmiyadda barnaamijkan isaga oo yiri “Mashruuca Dowlad-Kaab waa tiir muhiim u ah ajendaha dowlad-dhiska, gaar ahaan dhanka xoojintadowladaha hoose.
Tan iyo markii la bilaabay mashruuca, waxaa la gaaray horumarro muhiim ah oo ay ka mid yihiin –
– Dhammaystirka iyo hirgelinta siyaasado iyohabraacyo heer Federaal, Dowlad-Goboleed iyoDegmo, sida Siyaasadda Qaran ee Maamul-Daadejinta, Xeerka Ururka Dowladaha Hoose, iyo istaraatiijiyadda iyo habraacyada maaliyada iyo adeeg bixinta
– Xoojinta nidaamyada maaliyadeed iyadoo la hirgeliyay hannaan casri ah oo lagu maareeyodakhliga iyo kharashaadka si loo helo isla-xisaabtan dhab ah.
– Kor u qaadidda awoodda shaqaalaha wasaaradaha, Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinkamashruucu taageero.
– Horumarinta nidaamyada dhijitaalka ah si loo fududeeyo adeeg-bixinta loona yareeyo dib-u-dhacyada iyo khaladaadka.
– Degmooyinka mashruucu ka shaqeeyo oodhammaantood ku daraya 3% qoondo lacageed ooka mid ah kharashaadka mashruuca, taas oomuujinaysa lahaansho iyo ka-go’naansho”
Wasiir Cali Xoosh ayaa hadalkiisa kusoo gabogabeeyey “Mashruuca Dowlad-Kaab ma aha oo keliyamashruuc horumarineed; waa hannaan lagu dhisayokalsoonida shacabka iyo dowladnimada”
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ka hadlay daahfurka Guddiga Sare ee Dowlad-Kaab, isaga oo xusay in deegaannada laga hirgeliyey barnaamijka ay muujinayaan lahaansho xooggan, isla markaana laga dareemay horumar la taaban karo.
Mudane Cabdul ayaa sheegay fursadaha kulanka isaga oo yiri “Kulankaan maanta wuxuu fursad u yahay in dib loo eego horumarka barnaamijka, la tixgeliyo Qorshaha Shaqada Sanadlaha 2026 iyo miisaaniyadda, isla markaana laga fiirsado jihada istiraatiijiyadeed ee barnaamijka ee muddada dhexe, aniga oo rajeynaya in doodaha halkan ka dhacaya iyo talooyinka guddiga ay hagaan mashruuca waqtiyada soo socda”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) oo ka hadlay daahfurka Mashruuca Dowlad-kaab ayaa u mahadciyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka isaga oo sheegay in Dowlad-kaab ay wax badan ka tartay dowladnimada, soona jiidday wadajirka bulshada iyo wadashaqeynta dowladaha hoose, isaga oo intaa raaciyey inuu kor u qaaday dhismaha hey’ado badan sida goobo waxbarasho iyo qaar kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) oo ka hadlay daahfurka kulanka guddiga sare ee dowlad-kaab ayaa ku dheeraaday ahmiyadda barnaamijkan iyo sidan maamulkiisa ugu hanweyn yahay ka faa’ideysiga iyo inuu noqdo mid qeyb ka noqda horumarka Hirshabelle iyo dadkeeda.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdirashiid Sheekh Axmed ayaa oo ka hadlay daahfurka kulanka guddiga sare ee dowlad-kaab ayaa bogaadiyey qorshaha mashruuca isaga oo sheegay sida maamulkiisa ay uga faa’ideysan karaan.
Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay daahfurka kulanka guddiga sare ee Dowlad-kaab ayaa bogaadiyey mashruucan iyo sida ay uga faa’ideystaan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, isaga oo soojeediyey in la xoojiyo dhaqangelinta, wuxuuna si gaar ah u adkeeyey xilliga dhaqangelinta in gobolka Banaadir ilgaar ah lagu fiiriyo.
Maalgeliyeyaasha caalamiga ah ee ka midka ah guddiga sare ee mashruuca Dowlad-kaab oo ka hadlay daahfurka ayaa adkeeyey sida ay taageero dhan walba ah ula garab taagan yihiin guuleysiga mashruuca Dowlad-kaab iyo in deegaannada kala duwan ay gaaraan isku filnaan iyo horumar la taaban karo oo ay dadku dareemaan.

































































