Wasiir Cali Xoosh Oo La Kulmay Hoggaanka Dhaqanka Ee Beesha Murursade

Muqdisho 15 Jan 2026; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS mudane Cali Balcad ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Ugaaska Guud ee beesha Murursade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.
Kulanka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen guddiga qabanqaabada munaasabadda caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde ee dhowaan dhici doonta ayaa waxaa looga hadlay; dowrka hoggaanka dhaqanka ee soojireenka ah iyo kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo xal u helidda caqabadaha horyaalla dalka.
Mas’uuliyiinta XFS ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay xoojinta wadashaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo dardargeliyo nabadda, cadaaladda iyo dowlad-wanaagga dalka.