Wasiir Xoosh Oo La Kulmay Safiirka Jaamacadda Carabta Ee Soomaaliya

Muqdisho 11Jan 2026; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Denjire Cabdullaahi Al-Cuteybi iyada oo laga hadlay xoojinta labada dhinac ee iskaashiga ku saabsan hortabinnada qaran ee muhiimka ah.
Arrimaha inta uu kulanku socday laga hadlay waxaa ka mid ah; iskaashiga la xiriira dimuqraadiyeynta dalka iyo geeddi-socodka doorashooyinka, dardargelinta dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo sidoo kale xoojinta isku-duwidda taageerada ku aaddan baahinta adeegyada, adkeynta kaabashayqasha, maamul-wanaagga iyo arrimaha federaalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo lagu horumarinayo xasilloonida, ilaalinta midnimada iyo bedqabka umadda Soomaaliyeed.