Wasiir Cali Xoosh Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday UNDP

Muqdisho 11 Jan 2026; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta ee (UNDP) iyada oo laga hadlay dedaallada la xiriira xasilinta iyo nabad-dhiska Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale xoogga saaray: xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UNDP, dib-u-eegista howlaha hortabinta leh sida dedaallada socda ee xasilinta iyo sahminta fursadaha lagu heli karo aragtiyada wadajir ah oo lagu taageerayo hortabinta qaranka ee dhismaha nabadda.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa bogaadiyey taageeradda kala duwan ee hey’adda UNDP ee dowlad-dhiska Soomaaliya iyada oo Labada dhinac ay mar kale xaqiijiyeen ka go’naanshahooda ku aaddan xoojinta isku-duwidda iyo horumarinta barnaamijyada si loo helo xasilin waarta oo laga hirgeliyo dalka oo dhan.