- February 11, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 11 Jan 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kulan la qaatay Denjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira iskaashi wadajir ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada maamulka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha federaalka, dhismaha awoodda hay’adaha iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta iyada oo la isla qaatay is-weydaarsiga khibradaha iyo wixii taageero farsamo ah iyo sidoo kale iskaashi horumarineed oo kor u qaadaya adeegyada dadweynaha ee dalka.
Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyey Safaaradda Shiinaha taageerada joogtada ah, wuxuuna caddeeyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo midnimada, dowlad-dhiska, iyo horumarka waara ee Soomaaliya.








