Agaasimaha Guud Oo Shir Guddoomiyay Kulan Diyaarinta Guddiga Sare Ee Barnaamijka Dowlad-Kaab

Muqdisho 10 Jan 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa guddoomiyey kulanka farsamo ee u diyaargarowga Shirka Guddiga Sare ee sanadlaha ah ee Mashruuca Dowlad-Kaab.
Kulanka oo ay sidoo kale kaqeybgaleen hay’adaha u ku midaysan Mashruuca Dowlad-Kaab (UNICEF, UNDP iyo UN-Habitat) ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray hawlaha qabsoomay, guulaha la gaaray, caqabadaha jira ee u baahan in la xalliyo iyo u diyaargarowga shirka soo socda.