Wasiir Cali Xoosh Oo Galdogob Kaga Qayb Galay Xaflada Caleemo-Saarka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Galdogob uga qaybgalay Munaasabadda Caano Shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali oo ka mid ah hoggaanka Isimada Dhaqanka Soomaaliyeed.
Mudane Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadiyey Ugaaska la caleemo-saarayo isaga oo ku dheeraaday kaalinta dhaqanka ee nabad-dhiska isaga oo yiri “Madashani waa madal dhaqan, oo mudan bogaadin, duco iyo dardaaran, waxaanna bogaadinayaa, u duceynayaa, una mahadcelinayaa beesha iyo isinka ay doorteen, oo ay isku raaceen ee Ugaas Cabdiraxmaan, ilaahay xilka hakugu asturo.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa madasha kula dardaarmay in la iska kaashado xal u helidda colaadaha beelaha ee soo noqnoqda “Munaasabaddan dhaqanka awgeed, waxaan ku dardaarmayaa oo kale in dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug oo kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka ah loo istaago xallinta khilaafaadka ka jira deegaannnadan”.
Ugu dambeyntii, Mudane Cali Xoosh ayaa usoo jeediyey kaqeybgalayaasha in loo midoobo difaaca dalka “Soomaaliya waxaa ka jira abaaro, shisheeye nasoo hunguriyeeyay oo midnimadeena iyo qaranimadeena iyo ilaalinta wadajirkeena soo farogeliyey, waa muhiim in ismaandhaafka inta meel la iska dhigo, aan u midowno danaha Soomaaliya”.
Munaasabadda Caana shubka ayaa waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno, Hoggaanka Isimada Dhaqanka Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.