Agaasime Cabdul Oo kulanka la Qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah

Muqdisho 01 feb 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kulanka la qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Raydka ah.

Kulanka ayaa looga arrinsaday adkeynta xiriirka labada dhinac, howlaha la xiriira dedaallada Wadajirka Bulshada ee Xoojinta difaaca iyo ilaalinta Midnimada Dalka Iyo sidoo kale in la iskaashado xal u helidda abaaraha ka jira qeybo badan oo dalka ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyey sida ay mar weliba dowladda ugu garabtaagan yihiin difaaca, ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka iyo weliba u qareemidda howlaha lagu badbaadinayo dadka ay waxyeeleeyeen abaaraha.

Dhankiisa, Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Cabdul ayaa bogaadiyay dedaalka Ururrada Bulshada Raydka ah iyo kaalinta hormuudnimada leh ee ay ku leeyihiin Geeddiga Dowlad Dhiska Soomaaliya.