Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qeybgalay Kulanka Gudidga Wasiirada Iyo Guddi Matalayey Qeybaha Bulshada

Muqdisho 31 Jan 2026; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo qeyb ka ah guddiga wadahallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ay wehliyaan guddiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa la kulmay guddi matalayey qeybaha bulshada sida; culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka.
Kulanka oo la is-weydaarsaday xogo iyo warbixinno ku saabsan heerka diyaargarowga gogosha wadahadallada ayaa ku qabsoomay jawi isfahan iyo is-ixtiraam leh.
Gudiyadda diyaargarowga shirka wadahadaladda waxay u mahadceliyeen culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah oo qaatay doorkooda, iyada oo la tixgelinayo talooyinkooda iyo daneyntooda masuuliyadeed ee ay ka muujinayaan geeddisocodka wadahadallada arimaha masiiriga ah ee dalka.