- January 27, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 27 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira ka hortagga khilaafaadka horseeda colaadaha sokeeye iyo xoojinta dedaallada dib u heshiisiinta ee lagu xallinayo colaadaha beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah dalka si loo adkeeyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed iyo dowladnimada.
Sidoo kale, waxaa kulanka si gaar ah looga hadlay doorka muhiimka ah ee ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta midnimada, madaxbannaanida dalka, xoojinta nabadda iyo ka hortagga faragelinta shisheeye, iyada oo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hoggaanka dhaqanka iyo Wasaaradda.










