Agaasime Cabdul Oo kaqeybgalay kulan Aqoon Isweydaarsi sare oo la xiriira Hannaanka Dhismaha Adkaysiga Bulshada

Jakarta 23 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa oo maalmahaan socdaal shaqo kujoogay caasimadda Jakarta ee waddanka Indonesia ayaa kaqeybgalay kulan Aqoon Isweydaarsi sare oo la xiriira Hannaanka Dhismaha Adkaysiga Bulshada.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay wadamada Bangiga Adduunku uu ka taageero Adkaysiga Bulshada iyo xoojinta hay’adaha dowladaha Hoose iyo bulshooyinka ee Afrika iyo Aasiya.
Bandhigyada kala duwan ee Agaasimaha Guud mudane Cabdul ayaa ku qotomay waayo-aragnimada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha adkaysiga bulshada, laqabsiga caqabadaha dhaqan-dhaqaale iyo kuwo deegaan iyo sidoo kale dedaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda, heerarka dowladaha hoose iyo bulshooyinka.