Wasiir Cali Xoosh Oo kulan Miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Pakistan

Islamabad 21 Jan 2026; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh)  oo safar shaqo kujooga Pakistan ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan mudane Mohsin Naqvi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada wasaaradood, iyadoo laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta dhanka amniga, dowlad-dhiska, dhismaha iyo tayeynta awoodaha hay’adaha iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira arrimaha gudaha iyo bedqabka shucuubta.
Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashi laba geesood ah ee ku aaddan meelaha danwadaagta ka yihiin.