Wasiir Cali Xoosh Oo Booqday Matxafka Qadanka Pakistan

Islamabad 22 Jan 2026: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo safar shaqo kujooga dalka Pakistan ayaa booqday Matxafka qaranka Pakistan taasi oo astaan u ah taariikhda, jiritaanka, midnimada iyo madaxbannaanida dalkaasi.

Booqashadaan waxaa Wasiirka ku wehliyey Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye guuto Cismaan Cabdullaahi Kaniif, Safiirka Soomaaliya ee Pakistaan Danjire Sheikh nuur Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale.