Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan Miro-dhal La Yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Pakistan

Pakistan 22 Jan 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Hoosh) ayaa kulan miro-dhal ku yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada joogtada ah ee Pakistan ay siineyso madax-bannaanida, qarannimada, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya, iyada sidoo kale loogq hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada danwadaagta laga yahay ee ganacsiga, howlaha caafimaadka, baabi’inta dhibaatada fiisaha iyo arrimo kale.