Wafdi Uu Hoggaaminaayo Wasiir Cali Xoosh Oo Gaaray Pakistan

Islamabad 21 Jan 2026; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Wafdi sare uu hoggaaminaayo ayaa socdaal Shaqo ku gaaray Dalka Pakistan.

Wafdigaan inta ay joogaan dalkaasi waxaa lagu wadaa in madaxda dalkaasi kala hadlaan: iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee ku aaddan Dhinacyada Aqoonsiga Qaranka & Diiwaangalinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka & Dimuqraadiyadda iyo dhinacyada gargaarka.

Wafdiga Wasiirka Arrimah Gudaha XFS waxaa caasimadda Islamabad kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socda Dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Pakistan Danjire Sheikh nuur Maxamed Xasan, waxaana sidoo kale safarka qayb ka ah; Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiwali Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Madane Maxamuud Macallin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Cismaan Cabdullaahi Kaniif.