- January 14, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Kulamada, Waqooyi Bari, Wararka
No Comments

Muqdisho 14 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ka kooban Wasiirro iyo xildhibaanno federaalka ah, howlo shaqana ujooga magaalada Laascaanood ayaa waxaa qado sharaf ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Tamarta ee dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Hijaar).
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh iyo Wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay Jeneraal Xijaar Munaasabadda qado sharafta ah ee qiimaha badan, iyagoo bogaadiyay dowlad goboleedka Waqooyi Bari, horumarka ka jira iyo sida ay xuddun ugu tahay midnimada iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Munaasabadda Qada sharafta ayaa waxaa kaqaybalay qaybaha kala duwan ee waxgaradka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya sida odayaasha dhaqanka, Culimada iyo marti sharaf kale.



















