Agaasimaha Guud Oo kulan fogaan arag ah la yeeshay hoggaanka hey’adda SSF

 

Muqdisho 14 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kulan fogaan arag ah waxuu la yeeshay hoggaanka hey’adda SSF ee Soomaaliya.

 

Arrimaha laga hadlay waxaa ka mid ah; xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo in taageeradooda la waafajiyo hortabinnada Wasaaradda ee dhinacyada dib-u-heshiisiinta qaranka iyo guud ahaan dowlad-dhiska loo dhan yahay.