Wasiir Cali Xoosh Oo kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari

Muqdisho 13 Jan 2025; Wafdiga ka socday labada heer ee dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa caawa la kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Ahmed Aw-Ali (Firdhiye).

Madaxweyne Firdhiye ayaa wafdiga dowladda dhexe uga warbixyey xaaladda guud ee deegaannada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka siyaasadeed iyo dadaallada nabadeynta ee socda iyada oo dhanka dowladda Federalka ah ay bogaadiyeen guulaha laga gaaray dhan walba gaar ahaan kuwa lagu xaqiijinayo midnimada iyo xasilloonida.