- January 13, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Kulamada, Waqooyi Bari, Wararka
No Comments

Muqdisho 13 Jan 2025; Wafdi sare uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa goordhow gaaray caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Laascaanood.
Wafdigaan oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan heerarka dowladda, kana ambobaxay caasimadda Muqdisho ayaa waxaa soo dhoweeyey mas’uuliyiinta iyo qeybaha shacabka Dowlad Goboleedka oo ay ugu horeeyaan Odeyaasha Dhaqanka.
Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda soodhaweynta ayaa ku dheeraaday ujeedka safarkiisa isaga oo yiri “Ujeedka socdaalkaan taariikhiga ah waa in Laascaanood lagu qabto shaqooyin Qaran, sidoo Kalena madaxdu ay ka qeyb-gasho caleemo- saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari”
Mudane Wasiir Cali Xoosh wuxuu kale oo ku nuuxnuuxsaday qiimaha maalintan “Maanta waa dhammaadkii xaalad siyaasadeedkii muddadda dheer ka jirtay gobollada waqooyiga dalkeena, iyo bilowga cusub oo ku dhisan xaqiiqo, wadajir iyo nidaamka federaalka. Waa dhammaadkii waayihii hore ee hal maamul keligii sheegan jirey in dhammaan waqooyiga dalka keligii ka jiro, waana bilowgii wada-noolaansho federaal ah oo ka tarjumaya rabitaanka bulshooyinka deegaanka”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) maalmaha uu joogo waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho
mas’uuliyiinta iyo qeybaha bulshada.















