Agaasime Cabdul Oo Guddoomiyay Kulanka Billaha Ee Wasaaradda

Muqdisho 10 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa guddoomiyey kulanka billaha ah ee Wasaaradda, kaas oo ay ka qeybgaleen Agaasimeyaasha waaxyaha, Madax-qeybeedyada iyo Lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda.

Intii uu kulanku socday waxaa si qoto dheer looga wada hadlay ajendayaal muhiim ah oo ay ugu horreeyaan dhameystirka Qorshaha Wasaaradda ee sanadka 2026, kaas oo si buuxda ula jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Qaranka, iyo sidoo kale kor u qaadista hufnaanta shaqo, tayeynta waxqabadka, iyo xoojinta isla xisaabtanka howlwadeennada Wasaaradda.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu diyaariyey jadwal shaqo oo la fulin karo, kana tarjumaya mudnaanta iyo howlaha kala duwan ee Wasaaradda, si loo hubiyo hirgelin wax ku ool ah oo waafaqsan himilooyinka iyo waajibaadka Wasaaradda.

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Cabdul ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo fuliyo go’aannada ka soo baxay kulanka, loona xoojiyo wada shaqeynta iyo mas’uuliyadda guud.