- January 8, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 08 Jan 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa soo gebogabeeyay kulammo joogto ah oo uu todobaadkaan la yeeshay waaxyaha kala duwan ee wasaaradda. Kulamadaan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo qiimeyn waxqabadka waaxyaha, habsami-u-socodka shaqada, xaaladda shaqaalaha, caqabadaha jira, iyo korjoogteyn guud oo lagu xaqiijinayo hufnaanta howlaha wasaaradda.
Kulammadu waxay ku qabsoomeen iyadoo la raacayo qorshaha isla-xisaabtanka iyo dib-u-eegista shaqo ee wasaaradda, kuwaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeyn, isla-xisaabtan, daahfurnaan iyo tayeynta maamul wanaagga. Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay qabteen waaxyaha kala duwan, isagoo ku dhiirrigeliyay in la sii laba jibbaaro dadaallada lagu horumarinayo waxqabadka hay’adda, hirgelinta yoolalka istaraatiijiyadeed ee wasaaradda, iyo xaqiijinta ballanqaadka wasaaradda ee sanadka cusub 2026.











