- January 6, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 06 Jan 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kulan shaqo la yeeshay Waaxda Dhaqanka & Arrimaha Bulshada, Waaxda Xusuus Dhoowrka & Maareeynta Xogta , iyo Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose.
Kulamadaan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka waaxyaha, isla-xisaabtanka, iyo ka warbixinta shaqooyinkii u qabsoomay sannadkii dhammaanaya, iyadoo si furan looga hadlay caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Cabdul ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay hufnaanta. mas’uuliyad shaqo, iyo qorsheyn istiraatiiji ah oo ku wajahaan sannadka cusub. Wuxuu ku dhiirrigeliyay in la xoojiyo wada-shaqeynta waaxyaha, tayeynta diiwaannada iyo xogta, iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo dowladaha hoose, si loo gaaro maamul hufan iyo waxqabad la taaban karo sanadkaan cusub.














