Agaaasimaha Guud Oo Wado Kulamada Waaxyaha Wasaaradda

Muqdisho 04 Jan 2026; Iyadoo la sii ambaqaadayo kulammada uu la yeelanayo Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali wuxuu maanta warbixin shaqadooda iyo hortabinnada sanadka cusub ka dhageystay Waaxyaha; Shaqada iyo horumarinta Shaqaalaha, Waaxda Qorsheeynta , Kormeerka & Qiimeynta iyo Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha.

Kulamadaan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista siyaasadaha, mashaariicda socda iyo qorshayaasha shaqo iyo arrimo la xiriira shaqada iyo shaqaalaha si loo xaqiijiyo in wasaaraddu yeelato hannaan shaqo oo hufan, isku-xiran isla markaana la xisaabtami kara.

Agaasimaha Guud mudane Cabdul ayaa carrabka ku adkeeyay in sanadka 2026 ay waaxyuhu ku shaqeyn doonaan qorshe cad oo natiijo ku dhisan, leh yoolal la cabbiri karo, isla markaana kor u qaadaya isla-xisaabtanka, wada-sha­qeynta iyo daahfurnaanta.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay xoojiso isku-duwidda waaxyaha, korna u qaaddo tayada adeegyada wasaaradda si ay si wax ku ool ah ugu adeegto danaha shacabka iyo dowlad-dhiska dalka.