Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Codeeyay Degmada Shangaani

Muqdisho 25 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa saaka doorashada goleyaasha deegaanka ee ka socota gobolka Banaadir wuxuu codkiisa ka dhiibtay Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Wasiir Cali Xoosh ayaa ku bogaadiyay Shacabka Gobolka Banaadir sida ay codkooda u dhiibanayaan, iyo sida u muujiyeen rabitaankooda ku aaddan doorashada qof iyo cod, sidoo kale Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay shaqada howlwadeennaga guddiga maamulaya doorashada.