Wasiir Cali Xoosh Oo Bogaadiyay Warbaahinta Dalka Ee Baahiyay Doorashooyinka Qof Iyo Cod

Muqdisho 25 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudah, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa bahda Warbaahinta dalka uga magaceliyey kaalintooda u aaddan baahinta wararka iyo warbixinnada doorashada taariikhiga ah ee dadweynaha Gobolka Banaadir ay ku dooranayeen goleyaashooda deegaanka.

‘Waxaan mahadcelin iyo bogaadin u dirayaa dhammaan bahda Warbaahinta, Qaranka Iyo Warbaahinta Madaxabannaan oo maanta muujiyay shaqo hufnaan iyo kartidooda ku aaddan baahinta doorashooyinka qof iyo codka ee ka dhacday Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Cali Yuusuf Cali-Xoosh Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.