Wasiir Cali Xoosh Iyo Wacyigalinta Doorashooyinka Qof Iyo Cod

Muqdisho 17 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasii Ku Xigeenka Wasaaradda Awqaafta Mudane Cismaan Macow ayaa soo kormeeray sida ay qaadashada kaarka codbixinta iyo diyaargarowga doorashooyinka golaha deegaanka uga socdaan Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir iyaga oo shacabka degmada kala hadlay ahmiyadda olalaha Wacyigalinta Doorashooyinka iyo qaadaahada kaarka ay u leedahay degmada taariikhiga ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh oo la hadlay shacabka deegaanka ayaa xusay taariikhda degmada iyo in qaadashada kaarka codbixintu ay muhiim u tahay doorashada toos ah oo muwaadiniintu si hufan, oo madaxbannaan ay u dooran doonaan dadkii ku matali lahaa goleyaasha deegaanka iyo goleyaasha sare ee qaranka. Wasiirka ayaa adkeeyey in sida geedigaan cusub ee doorashada Qof iyo Codka ah u fududeynayo hufnaan iyo isla xisaabtan.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, wasiirrada wehlinayey iyo maamulka degmada ayaa booqanayey guryaha degmada Boondheere isaga oo ku dhiirigeliyey kaqeybgalka doorashada iyo qaadashada kaararka codbixinta, waxaa kale uu Wasiirka Xoosh la fariistay, lana sheekeystay qaar ka mid ah dadweynaha degmada.