- December 10, 2025
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 10 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasii Ku Xigeenka Wasaaradda Awqaafta Mudane Cismaan Macow ayaa soo kormeeray sida ay qaadashada kaarka codbixinta uga socoto Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir iyaga oo shacabka degmada kala hadlay ahmiyadda olalaha Wacyigalinta Doorashooyinka iyo qaadashada kaarka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh oo la hadlay shacabka deegaanka ayaa xusay in qaadashada kaarka codbixintu ay muhiim u tahay doorashada toos ah oo muwaadiniintu si hufan, oo madaxbannaan ay u dooran doonaan dadkii ku matali lahaa goleyaasha deegaanka iyo goleyaasha sare ee qaranka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, wasiirrada wehlinayey iyo maamulka degmada ayaa sidoo kale booqanayey guryaha degmada Degmada Cabdicasiis iyaga oo dadka ku dhiirigeliyey qaadashada kaararka codbixinta, waxaa kale oo ay tageen xeebta Liido.
















