Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Shirweynaha Bulshada Raydka ah

Muqdisho 08 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Bulshada Rayidka ah ee Daahfurka Istiraatiijiyadda Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay kulanka ayaa muujiyay kaalinta mudnaanta leh ee ururrada Bulshada Raydka ah isagoo yiri” Bulshada rayidka ahi waa laf-dhabarta shacabka Soomaaliyeed, waxay dalka kasoo gudbiyeen marxaladdo adag, gaar ahaan wakhtigii burburka. Waxay astaan u yihiin kartida iyo adkeysiga shacabka Soomaaliyeed ee muddada dheer la tacaalayey xaaladaha adag ee dalku soo marey, Bulshadda rayidka ahi waxay doorweyn kasoo qaateen arimaha waxbarashadda, caafimaadka, gargaarka, nabad dhisida & dowlad dhiska.”

“Dalka waxaa ka socda diyaar-garowga doorashooyinka tooska ah, waxaan rabnaa in la maqlo codka bulshadda rayidka ah ee xoojinaya in codka shacabka wax lagu doorto. Horumarka dalkeenu wuxuu ku xiran yahay sida loo helo bulsho abaabulan oo qeyb ka ah horumarinta siyaasadda iyo dhaqaalaha.” Ayuu raaciyey Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Mudane Cali Xoosh.

Ugu Dambeyn, Wasiir Cali Xoosh ayaa kula dardaarmay Ururrada Bulshada Raydka ah xoojinta iskaashiga iyo midnamada isagoo tibaaxay in dowladda dhankeeda xoojinayso wadashaqeynta, wuxuuna yiri “Waxaan ku boorrinayaa dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah inay sii xoojiyaan midnimadooda iyo doorkooda hoggaamineed. Dowladda Federaalku waxay diyaar la tahay wada-shaqeyn, wada-tashi iyo dhisidda kalsoonidda.”