- December 8, 2025
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 08 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey kulanka Iskuduwidda howlaha Dowladaha hoose.
Shirkan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta labada heer ee dowladda, khubaro dowladaha hoose, bulshada rayidka iyo xubnaha beesha caalamka ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray wadashaqeynta iyo taageeridda dowladaha hoose iyada oo halkaas warbixinno lagu soo bandhigay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday mashaariicda la qabtay iyo kuwa qorsheysan “Sanadihii la soo dhaafey waxaa dalka ka socdey mashaariic muhiim ah oo wax weyn ka beddelay geeddi-socodka federaaleynta, dhismaha dowladaha hoose iyo maamul daadejinta dalka, sidoo kale, sanadkaan waxaa bilaaban doona mashaariic kale oo muhiim u ah dowladaha hoose iyo gaaridda deegaanadda aan horey loo gaari-jirin. Waxaana loo baahnaan doonaa inaan sii xoojino shaqooyinka isku-dubarididda howlaha dowladaha hoose”.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh waxaa ka hadlay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo sida ay tahay in loo taageero “ Waxaa socota Diyaargarowga doorashada Goleyaasha Deegaanka, waxaa lala shqeyn doonaa goleyaal
Lasoo doortay, degmooyinkaas yeelan doona goleyaasha la doortey waa in la taageero, gacana laga siiyo kor u qaadidda adeeg bixinta”.

























