- December 7, 2025
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 07 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga La-talinta Farsamo ee Hindisaha Wadajirka Qaranka.
Kulankan oo goobjoog ka ahaayeen heerarka dowladda, bulshada rayidka iyo saxiibada caalamka ayaa muhiim u ah hirgelinta Hindisaha Wadajirka Qaranka iyo fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kuwaas oo door muuqda ku leh dowlad-dhiska, nabad-dhiska, iyo diyaar-garowga doorashooyinka tooska ah ee dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh oo khudbad kooban kajeediyey ayaa xusay arrimo ay ka mid yihiin;
🔹 In Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib-u-soo-kabasho, loona baahan yahay in la xoojiyo wadajirka iyo midnimada bulshada.
🔹 In dowladda ay dejisay hannaan dhammaystiran oo Dib-u-heshiisiinta Qaran, laguna hirgelinayo Hindisaha Wadajirka Qaranka.
🔹 In guulo laga gaarey: hagaajinta xiriirka dowladda & bulshada, diyaar-garowga doorashooyinka, iyo amniga caasimadda oo si weyn u soo hagaagay.
🔹 In la dardargeliyo xal u helidda tabashooyinka bulshada iyo dhisidda nabadda waarta.
Wasiirku sidoo kale wuxuu xusay in weli ay jiraan caqabado u baahan iskaashi joogto ah, sida:
• Abaaraha
• Colaadaha beelaha
• Xagjirnimada
• Siyaasadaha ku saleysan danaha gaarka ah
Inta lagu jiro kulanka, Wasiirku waxa uu la wadaagay guddiga muhiimadda Warbixinta Sanadlaha 2025 ee Hindisaha Wadajirka Qaranka, iyo diyaarinta Qorshaha 2026, kuwaas oo ah tiirarka horumarinta wadajirka iyo nabadaynta dalka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) wuxuu ugu dambeyntii u mahadcelineysaa dhammaan hay’adaha dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka qayb-qaata dadaallada dib-u-heshiisiinta, nabad-dhiska iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed.

























