- December 7, 2025
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 07 Dec 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, mudane Caydaruus Macallin Xasan, ayaa guddoomiyey “KULANKA DHAMEYSTIRKA QABYA-QORAALKA XEERKA DHISMAHA URURKA DOWLADAHA HOOSE EE SOOMAALIYA (SoLGA)”
Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimayaasha Guud ee dowlwd goboleedyada,, kooxda farsamada, Duqa Cadaado, Guddoomiye-ku-xigeennada Kismaayo iyo Jowhar, iyo wakiillo ka socday Gobolka Banaadir.
Shirku wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu dhameystirayo qaab-dhismeedka SoLGA si uu u noqdo urur mideeya dowladaha hoose ee dalka.






















