Wasiir Cali Xoosh Oo Tagay Sabiid Iyo Caanoole

Shebeellaha Hoose, 06 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Lugta iyo saraakiisha Turkiga ayaa goobjoog ka ah munaasabadda furitaanka Dib-u-Habeynta Buundada Sabiid iyo Caanoole.

Dhismaha Buundadan oo ka mid ah hortabinnada dowladda Federation ah ee dedaallada Xasillinta iyo Banii’aadnimada ayaa muhiim u ah isu socodka dadka, gaadiidka iyo sidoo kale dib usoo kabashada deegaanka iyo nolol dowladnimo ee xoreynta kadib.