Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda

Muqdisho 30 Nov 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey kulan ay qeyb ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan, Agaasime waaxeedyada iyo lataliyeyaasha Wasaaradda kaasi oo looga hadlay Qorshaha Wasaaradda ee 2026 iyo dhameystirka qaabdhismeedka Wasaaradda.

Inta uu kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay qorshe howleedka waaxyaha kala duwan ee Waaaaradda mudnaanta u leh 2026-ka kaasi oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbadalka Qaranka iyo qaab-dhismeedka guud ee Waasaradda. Waxaa kale oo laga hadlay kor u qaadosta waxqabadka, hirgelinta Barnaamijyo cusub iyada oo la isdul istaagay caqabadihii 2025.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa bogaadiyey shaqada laga qabtay dejinta qorshaha sanadka soo socda isaga oo sheegay in muhiim tahay diyaargarowga xilliga hore iyo in la lahaado qorsheyaal cadcad, muddeysan oo isku-dheelitiran. Waxaa kale uu adkeeyey in qorsheyaashani hortabinta leh ee mudnaanta la siiyey lagu hirgeliyo waqtiga loogu talogalay, laguna dadaalo in shacabka looga faa’ideeyo.