Wasiir Cali Xoosh Oo Furay Shirweynaha Xalka Waara

Muqdisho 26 Nov 205; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi u daahfuray Shirweynaha Xalalka Horumarineed kaasi oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara taasi oo ka tirsan – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta.

Shirkan ayaa xoogga saarayo sidii loo mideyn lahaa dhammaan dadaallada xalalka waara iyo adkaysiga ee heer qaran iyo caalami, waxaana kaqeybgalaya madax ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Dowladaha Hoose, Ganacsatada, Bulshada Rayidka, Qurba-joogta iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey IGAD iyo deeq bixiyaasha

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh oo ka hadlay daahfurka ayaa ka hadlay ahmiyadda shirka “Shirkan waxaa saldhig u ah xaqiiqo na wada horyaal oo ah in horumar waara oo dalka gaara aanu suuragal ahayn haddii aan la dardargelin horumarinta reer miyiga, adkeysiga bulshada iyo xal-u-helida barakaca baahsan. Muddo dheer ayaa dalka uu wajahaya saddex arrimood oo si toos ah isugu xiran sida; Horumar la’aanta ba’an ee miyiga, Barakaca joogtada ah ee malaayiin qof, iyo Soo-kicidda qulqulka magaalooyinka ee aan qorshaysnayn (irregular urban migration).

Mudane Cali Xoosh, wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay ahmiyadda Xarunta Xalkawaara “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay qaadday tallaabo istaraatiiji ah oo muhiim ah. Waxaa la aas-aasay Xarunta Qaranka ee Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga oo ah hay’ad loo qorsheeyey inay noqoto xarunta mideysa siyaasadaha, xog ururinta, qiimeynta, isku-duwidda iyo hagidda maalgashiga dalka ee ku wajahan xalka waara barakacayaasha, kobcinta adkeysiga bulshada iyo horumarinta reer miyiga. Xaruntani waxay xoojin doontaa isku xirka u dhexeeya horumarinta miyiga, xalalka waara, iyo dib-u-dejinta qorsheysan; waxay sidoo kale kobcin doontaa iskaashiga dowladda iyo beesha caalamka si loo dhiso mustaqbal aan ku dhisnayn kaliya ka jawaabidda musaafurinta, balse ku dhisan ka-hortag, maalgelin waarta, iyo fursado dhaqaale oo la xiriira suuqyada gudaha iyo kuwa gobolka”

Ugu dambeyntii Wasiir Cali Xoosh ayaa ku dardaarmay kaqeybgalayaasha iyo khubarada kala duwan in looga fadhiyo xalalwaara oo wax ku ool ah oo shirkan kasoo baxa.