Aqoon Isweedaarsiga Xiriirka Dadweynaha

Muqdisho 22 Nov 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa ku daahfurtay caasimadda Muqdisho Tababarka Istaraatiijiyadda Xiriirka Dadweynaha kaasi oo ay ka faa’ideysanayaan Waaxyaha Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Tababarka waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Caydaruus Macallin Xasan isaga oo sheegay tababarkaan loogu talogalay xoojinta xirfadda iyo aqoonta waaxyaha Xiriirka Dadweynaha si ay u fududaato fahamka lafalgalka Dadweynaha iyo dejinta istaraatijiyad ka tarjumeysaa Ajendeyaasha Dowladda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxaa ka go’an kor u qaadista awoodda iyo aqoonta hey’adaha ka shaqeeya gudbinta farriimaha dowladda si loo xaqiijiyo  sharciyadeeda.