Meertada Labaad Ee Shirweynaha Aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho 25 Nov 2025; Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Meertada 2-aad Ee Shirweynaha Aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed iyada oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta labada heer oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh).

Khudbad uu madasha kajeediyey, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS mudane Cali Xoosh ayaa sheegay in Aqoonsiga Qaranka ay cid weliba heli doonto isaga oo yiri “Aqoonsiga Qaranka qof kasta iyo qoys kasta ayaan gaarsiinaynaa. Shacabka waxaan ku ammaanayaa inay iska diideen siyaasi danayste ah oo isku dayay inuu curyaamiyo horumarka adeeggan.”

Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Shiekh Maxamuud oo uu sheegay in uu mudnaan iyo ahmiyad gaar ah siiyay sidii ay Aqoonsiga Qaranka u qaadan lahaayeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirweynaha oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda NIRA ayaa inta uu socday waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa; Masuuliyiin kala matalaaya DFS, DG, Bulshada Raydka ah iyo Daneeyayaasha Caalamiga ah.