Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Daneeyayaasha Caalamiga

Muqdisho 24 Nov 2025; Kulan Doceed dhacay inta uu socday Meertada Labaad ee Shirweynaha Aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed ayuu wasiirka Arrimaha Gudaha XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), guddoomiyey kulan sare oo ay kaqeybgaleen xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Kulanka oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta NIRA oo uu ugu horreeyo Mareeye Cabdiweli Timacadde ayaa waxaa looga hadlay horumarrada Hey’adda Aqoonsiga Qaranka iyo Diiwaangelinta Dadweynaha ee NIRA iyo Ajendeyaasha horyaallada.

Arrimaha kale ee lagu soo qaadday waxaa ka mid ah; Wadashaqeynta dhinacyada kala duwan, xaqiijinta hortabinta Aqoonsiga Qaranka iyo hirgelinta Aqoonsi gaara dhammaan dalka oo dhan, ammaan oo lagu kalaoonyahay.