Kulan Loo Sameeyay Masuuliyiin Ka Socda Dowladda Pakistan

Muqdisho 23 Nov 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qaybgalay Casho sharaf ay Hay’adda NIRA u samaysay Masuuliyiin ka socda Hay’adda u qaabilsan Pakistan Arrimaha Diiwaangalinta Dadweynaha ee NADRA.

Mudane Wasiir Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Dowladda Pakistan taageerida nidaamka Aqoonsiga dadweynaha iyo Diiwaangalinta.

Munaasabadda Cashada ah ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Difaaca XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Tamarta Iyo Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleyman Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Mudane Burhaan Aadan, Wasiir Hore Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Pakistan Shiekh Nuur Maxamed Xasan.