- November 16, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 16 Nov 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa guddoomiyey “KULANKA WADATASHIGA QABYA-QORAALKA XEERKA DHISMAHA URURKA DOWLADAHA HOOSE EE SOOMAALIYA”.
Kulanka waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada iyo xubna ka socday hay’adaha Wasaaradda kala shaqeeya Arrimaha Dowladaha Hoose.

















