- November 9, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 09 Nov 2025; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta , Mudane Abdihakim Ashkir iyo masuuliyiin kale oo ka socda wasaaradda ayaa maanta hortagay Guddiga u qaablisan Aqalka Sare Arrimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray su’aalo guddigu ka qabeen Sharciga Dad-Dhigista iyo Tirikoobka Xaaladaha Madaniga ah oo haatan horyaala aqalka sare guddigina gacanta ku hayo.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa laga codsaday in ay bixiyaan faahfaahin iyo fasiraad dheeraad ah oo ku saabsan qodobada sharcigaas, iyo sidoo kale in ay ka jawaabaan su’aalo iyo talooyin ay xubnaha Guddiga ka keeneen sharciga Dad-Dhigista.
Inta lagu guda jiray kulanka, Wasiir Ku-xigeenka mudane Ashkir iyo wafdigiisa ayaa si mid mid ah uga jawaabay dhammaan su’aalihii iyo faahfaahinta dheeraadka ah ee ay xubnaha Guddigu uga baahdeen sharciga Dad-Dhigista iyo Tirikoobka Xaaladaha Madaniga ah.


