Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Qorshaha Dib-u-heshiisiinta

Muqdisho 02 Nov 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey qorshaha Wasaaradda ee hirgelinta Ajendeyaasha Howlaha Hannaanka Dib u heshiisiinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa adkeeyey in tallaabo kasta oo nabadeyn iyo Dib u heshiisiin ah oo qorsheysan ay muhiim tahay in sidoo kale ay qeyb ka noqdaan bulshada rayidka sida; Odeyaasha dhaqanka, Haweenka, Dhalinyarada si loo gaaro nabadwaarta oo loo dhanyahay.