Wasiiir Cali Xoosh Oo Guddoomay Shahaado Sharaf Lagu Maamuusay

Muqdisho 08 Oct 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa caasimadda Muqdisho uga qeybgalay Munaasabad lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

Mudane Wasiir Cali Xoosh oo madasha ma hadlay ayaa ka hadlay Geedi usocodka Waqooyi Bari iyo isaga Guddoomiye Aw-Xasan ku sifeeyay shakhsi mudan hoggaaminta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna kula dardaarmay ka shaqeynta hortabinnada muhiimka u ah deegaanka iyo qaranka.

Ugu Dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh doorkiisa ku aaddan dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.