- October 6, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Geneva, Kulamada, Wararka
No Comments

Switzerland 06 Oct 2025; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Caliyow iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka Mudane Axmed Xuseen Cilmi ayaa xarunta hey’adda UNHCR ee Geneva, Switzerland uga qeybgalay Kalfadhiga 76aad ee guddiga fulinta ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka.
Kulamada oo socon doona 6 ilaa 10ka October 2025 ayaa looga hadlayaa xaaladda Qaxootiga Adduunka iyada oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka martigeliya qaxootiga.
Wasiiru dowlaha mudane Caliyow waxaa socdaalkaan shaqo ku wehliya Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha mudane Axmed Xuseen Cilmi.