Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Muqdisho 24 Sep 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda kulan looga hadlayey kaalinta dhaqanka ee ka hortaga khataraha isticmaalka Khaldan ee baraha bulshada kula qaatay odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Khudbad kooban oo uu halkaas kajeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa wuxuu ku sheegay baraha bulshada ka socoto dhaqan aan wanaagsaneyn, oo ay soo badanayaan dadka xumaanta iyo iskudirka wada isaga oo odeyaasha dhaqanka kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan, bulshadana ay wacyigeliyaan “ Waxaa soo badanaya shakhsiyaad iyo kooxo abaabulanoo oo kuwii sharciga qabto ay ahayd oo baraha bulshada u adeegsada si qaldan sida; Iskudirka iyo kala qeybinta shacabka, ceyda haldoorkaumadda, faafinta warar xanaf leh,  beenabuur iyo kicindadweyne. Arrimahan marin habaabinta ah ee laguqaldayo shacabka waxaa ay horseedi karaan isku-dhacbeelo, xasillooni darro iyo qalaaso amni, waxaa kale oo ay maskax ahaan u dhaawici karaan dhalinyaradaSoomaaliyeed.

Haddaba, Dhaqanka Soomaaliyeedka waa geed-fadhi muhiim ah, oo ah hoggaanka umadda Soomaaliyeed, kaalintoodu waa mid weyn, waa in xikmadooda uga hortagaan khataraha isticmaalka Khaldan ee baraha bulshada, waannagana ay ku booriyaan”.

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya waxaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ku booriyey in Khawaarij aaney kusoo gamban dhexdooda, kana digtoodaan faafinta xumaanta.