- September 20, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 20 Sep 2025; Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa guddoomiyey kulanka Agaasime waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda.
Inta uu kulanku socday, mudane Wasiir Ashkir ayaa adkeeyey xoojinta hufnaanta shaqada iyo isla xisaabtanka iyo sida ay muhiim u tahay ku shaqeynta qorsheyaasha degsan iyo hortabinnada si loo gaaro hiigsiga iyo himillada Wasaaradda.













