- September 18, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 18 Sep 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey kulan lagu soo bandhigayey xog uruurinnada iyo falanqeynta howlaha Xasllinta, Dib u heshiisiinta iyo maamul dhiska degmooyinka dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa adkeeyey ahmiyadda isticmaalka xogo la hubo, leh hannaan la tijaabiyey oo lagu go’aan qaadan karo isla markaana qeyb ka noqda qorsheynta iyo adeeg daadejinta degaannada kala duwan.