- September 16, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 16 Sep 2925; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiin XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay Denjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Francesca Di Mauro.
Arrimaha looga hadalay kulanka oo dhammaan muhiin u ahaa xiriirka labada dhinac iyo hortabinta Wasaaradda waxaa ka mid ahaa; Dedaallada Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Doorashooyinka, guulihii dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya iyo arrimo kale.